Cali Khaliif Galleyr oo 12 sano ka dib ku laabtay Laascaanod.

nam38

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galayr iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool oo haatan maamulkeedu hoos tago Somaliland.

Cali Khaliif ayaa waxaa magaalada laascaanood ugu dambeysay 12 sano ka hor.

Masuuliyiin, waxgarad iyo shacab fara badan ayaa Garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey iyagoo watay Calanka Soomaaliya iyo kan Khaatumo.

Hadal kooban oo uu warnaahinta siiyey ayuu ku sheegay inay u socdeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaaladaha colaadeed ee ka jira gobolka Sool qaybo ka mid ah, isagoo dhinaca kale xusay in wadahadaladii ay la lahaayeen Somaliland uu qorshihiisu ahaa inay u wadahadlaan sidii laba maamul, balse kama muuqato Somaliland ayuu yiri.

Cali Kahliif Galayr oo ay weheliyaan xubnihii maamulkiisa uga qayb galay shirkii wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo ee ka dhacay Jabuuti ayaa u baqoolay dhinaca magaaladda Widhwidh boqol Km galbeed kaga aadan Laascaanood.

Dadweyne kale oo qorsheyayey iney dibed bax ka dhan ah Cali khaliif ka dhigaan magaalada Laascaanood ayaa waxaa la sheegay iney ka hortageen ciidamada Somaliland ee halkaas maamula.

Gudoomiyaha Maamulka Somaliland Gobolka Sool, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Wasiiru duulaha Waxbarashada ayaa halkaas ku soo dhoweeyey Cali Khaliif Galayr iyo wafdiga uu horkacayo.

Share "Cali Khaliif Galleyr oo 12 sano ka dib ku laabtay Laascaanod." via

No comments yet.

Leave a reply

More in Warar
Feb 28, 10 hours ago

DHAGAYSO+Madaxweyne Gaas oo jawaab lama filaan ah siiyey Faroole.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa jawaab lama filaan ah siiyey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo siyaasiyiin kale oo dhaliilayey xukuumaddiisa. HALKAAN KADHAAGYSO CODKA GAAS…

Feb 27, 23 hours ago

FAALO+PUNTLAND OO HALIS UGU JIRTA AFGAMBI & FAROOLE OO LAF DHUUNGASHAY KU NOQDAY C/WALI GAAS.

Ciidaamo qabiil ayaa shalay Xanibaad ku soo rogay xarunta Barlamaanka Puntland ee Garoowe xili uu cidlo ahaa oo aysan ka socon wax kalfadhi ah, oo inta badan xildhibaanadu ay ka maqnaayeen marka laga reebo shaqaalihii baarlamaanka oo goor dambe laga …

Feb 27, 1 day ago

DHAGAYSO+Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo ka hadlay Amaanka Boosaaso kadib dhacdooyinkii amni xumo Oo soo wajahday.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) oo Maanta shir jaraa’id ku qabtey Magaalada Bosaaso ayaa ka hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaaladda Bosaaso ee Xarunta Gobalka Bari. Taliyaha Booliska Puntlan…