DHAGAYSO:-Dagaal ka dhan ah Xasan Sheekh oo looga dhawaaqay Jowhar.

Odayaal iyo waxgarad kulan aan caadi aheyn maanta ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa waxaa ay ku heshiiyeen iney la dagaalamaan madaxweyne Xasan Sheekh hadii uu mar kale xilka kusoo laabto.

Kulankan markii uu soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada la hadlay Nabadoonka Cali Maxamed Cali kaas oo sheegay iney hub badan ay iibsan doonaan si ay ula dagaalamaan Xasan Sheekh hadii dib loo doorto.

Nabadoonka ayaa tilmaamay in afartii sano ee lasoo dhaafay uu Xasan Sheekh geliyay dalka Soomaaliya xaalad daganaasho la’aan ah iyo dagaalo cusub.

Go’aanka ay gaareen odayaasha dhaqanka beelaha dega Sh/Dhexe oo ah halka uu kasoo jeedo madaxweynaha haatan ayaa cadaadis ku kordhin kara ololaha musharaxnimo ee Xasan Sheekh.

Halkan ka dhageyso Maqalka

Share "DHAGAYSO:-Dagaal ka dhan ah Xasan Sheekh oo looga dhawaaqay Jowhar." via

No comments yet.

Leave a reply

More in Warar
Jan 17, 2 days ago

WARAYSI XIISO LEH:c/qaadir jengali ”c/wali gaas puntland wuxuu kusoo galay asagoo cayaya madaxdii ka horaysay.

Radio rajodoon oo aaad uga barateen waraysiyo xiiso leh ayaa maanta idin soo gudbinaya waraysi uulayeeshay aqoonyahan somaliyeey c/qaadir aadan jengali Jengali ayaa ka hadlay arimo badan oo Somalia iyo puntland   Ugu horayna wuxuu ka hadlay door…

Jan 16, 3 days ago

DHAGAYSO+shariif xasan oo si adag ugu hanjabay kooxdii uga guulaysatay doorashadii xamar kadhacday.

Madaxweynaha maamul gobolleedka K/Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliya, isagoo sheegay in siyaasiyiin ka soo jeeda Bay iyo Bakool ay uga baxeen balantii ay wada galeen.   Shariif Xassan oo saxaafada kula hadla…

Jan 16, 3 days ago

Sargaal Kenyan ah oo soo bandhigay Tirada Askartii Kenya looga dilay Weerrakii Ceel Cadde.

Weerarkii dagaalyahano katirsan Xarakada Al Shabaab ku qaadeen saldhig Ciidamada Milatariga Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa waxaa kasoo wareegtay mudo sanad ah. Dowlada Kenya ayaan wali shaacin qasaaraha rasmiga ah ee kas…