DHAGAYSO+Cali Khaliif ka shalaayay iney doorteen Xasan Sh, sheegeyna in Muqdisho halis ku jirto.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaanada reer Khaatumo ay sanadkii 2012-ka ucodeeyeen Xasan Sh hase ahaatee ay haatan ka shaleynayaan.

“waan qiranayaaye danbigeyga, dadkii masuulka ka ahaa isna waa ogyahay tolkiisina waa ogyahay, khaatumaa ugu weyneyd dadkii doortay”ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

Madaxweynaha Khaatumo ayaa marqaati ka dhigtay madaxda Damu-jadiid “C/Kariim Xuseen Guuleed baa ka marqaati ah Faarax Cabdi Qaadir baa ka marqaati ah, abaalkayagii anagu kuma mana sheeganeyno”ayuu yiri madaxweyne Cali Khaliif oo sidoo kale ka digay in dib loo doorto madaxweyne Xasan Sh.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Xasan Sh uu dalka halis ku yahay hadii uu soo laabto “Laakiin waxaan ilaah hortiis ka marqaati kacayaa Xasan iska daa inuu soo laabtee inuu madaxweyne danbe isku taago ma’ahan”ayuu yiri.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Magaalada Muqdisho ay halis ku jirto hadii dib loo doorto Xasan Sh “Laakiin Hadii Xasan la doorto, waxa Xamar ka dhici doona, anagama namaba soo gaaree ayaan ucabsanayaa”

HALKAAAN KADHAGAYSO


Share "DHAGAYSO+Cali Khaliif ka shalaayay iney doorteen Xasan Sh, sheegeyna in Muqdisho halis ku jirto." via

No comments yet.

Leave a reply

More in Warar
Apr 23, 4 hours ago

Miinada wadada dhinaceeda lagu aaso oo sagaal askari oo Puntland katirsan ku dishay gudaha buuraha Galgala

Miinada wadada dhinaceeda lagu aaso ayaa lala eegtay gaari ciidan oo ay saarnaayeen askar katirsan Puntland oo marayay gudaha tuulada Galgala ee gobolka Bari, waxaana ku dhintay sagaal askari,  sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah. Sarka…

Apr 23, 18 hours ago

DHAGAYSO+Ciidamada Dowlada oo toogtay askari dilay askari kale oo katirsan Ciidamada Jabuuti

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee Gobalka Hiraan ayaa waxa ay  dil Toogasho ku dileen  Askari katirsan Ciidmada Dwolada Soomaaliya oo dhawaan Degmada Bula burde ku dilay askari  Jabutiyaal ah . Dilka askarigaan ayaa waxa uu yimid kadib markii Ciidam…

Apr 23, 18 hours ago

DHAGAYSO+Afdalow oo ku faanay inuu is badal ku sameeyay Amniga Gaalkacyo

Taliyaha qeybta Gobalka Mudug Cismaan Xasan Cawke Afdalow oo la hadlay qaar ka Mid ah Warbaahinta ka howlgala Degaanadda Puntland ayaa si rasmi ah u sheegay in isbadal weyn lagu sameyay Amniga Magaalada Gaalkacyo. Taliyaha waxaa uu sheegay in xiligan…