DHAGAYSO+Faroole oo si adag uga hadlay Siyaasad Xumada Madaxweyn Gaas.

27

Madaxweynihii hore ee Puntland hadana ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Faroole ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe.

Senator Cabdiraxmaan Faroole oo ay soo dhaweyn u sameeyeen shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa marka uga mahadceliyey soo dhaweynta ay u sameeyeen imaatinkiisa.

 

Cabdiraxmaan Faroole oo Saxaafada kula hadlay gurigiisa ayaa ka digay in faro-gelin lagu sameeyo qorshayaasha Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaan ka digayaa in farogalin lagu sameeyo qorshayaasha Madaxweynaha cusub gaar ahaan xukuumadda uu soo dhisi doono, waxaana madashii fashilantay iyo waxa ay wateen ugu baaqay inuu ninkaas ka ammaan helo oo faraha looga qaado arrimahiisa’ayuu yiri.

 

Faroole ayaa waxa uu sheegay in Puntland uusan dhibaato u wadin isla markaana aan lagu mashquulin.

Warar waan maq-maqlayay, waxaanse idiin sheegayaa inaan aniga la igu mashquulin, cidna xumaan uma wado xumaanna waligay kama shaqayn wanaag farid ma ahane”ayuu yiri.

 

Mar ay saxaafadu weydiisay in Puntland u yimid isaga iyo rag looga soo guuleystay doorashadii ama ka haray carqaladeynta nidaamka ee xukuumadda Cabdiweli Gaas ayuu sheegay iney haba yaraate waxba ka jirin.

Warkaas waxba kama jiraan, ciddii sheegtayna waad cid baqdin qabta, waxaase la idin ka rabaa inaad idinku weydiisaan oo la xisaabtamaan Xildhibaanadii doortay”ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa ugu danbeyn soo jeediyey in garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso loogu magac daro AUN Madaxweynihii ka horeeyey Gen.Cadde Muuse Xirsi maadaama uu isagu ahaa maskaxdii aasaaskiisa ka danbeysay.

HALKAAN KADHAAGYSO CODKA  FAROOLE


 

Share "DHAGAYSO+Faroole oo si adag uga hadlay Siyaasad Xumada Madaxweyn Gaas." via

No comments yet.

Leave a reply

More in Warar
May 24, 3 hours ago

Puntland oo wax laga siiyey degmooyinka Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay  fiidkii shaaciyay magacyada Guddoomiyeyaasha cusub ee loo magacaabay degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo markii u horeysay ay ka soo muuqdeen 5 haween oo loo dhiibay degmooyinka iyo maamul goboleedyada oo ka dh…

May 24, 3 hours ago

Daacish oo sheegatay masuuliyada weerarkii Ismiidaaminta ah ee Bosaso ka dhacay

Ururka la magac baxay khilaafada Islaamka ee Daacish(ISIS) ayaa sheegatay weerar Ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Weerarkan Ismiidaaminta ah oo uu fuliyey qof naftiisa haligay ayaa la beegsaday ciidamo fad…

May 23, 1 day ago

DHAGAYSO+Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlay Safarkiisii magaalada Hargeysa

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey socdaal ku joogay magaalada Hargeysa Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galeyr. Hoggaamiye Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo mas’uuliyiin kale oo …