DHAGAYSO:WARAYSI +PUNTLAND BURBURINTEEDA WAXA LOO ADEEGSADAY C/WALI GAAS IYO CUMAR C/RASHIID.

hqdefaultb

Rajodoon radio oo aad uga barateeen waraysiyo xiiso leh ayaa manta waxa uu waraysi layeeshay xildhibaan hore cabdibare yuusuf jibriil

 

Ugu horayn cabdi bare waxaa la waydiyay inta gobo lee puntland ka koobantahay

Somalia markii ay burburtay somalia waxay ahayd 18 gobol burburki Somalia 91  qolo walba deeganadii ay kazoo jeeday ayay isku aruursatay oo maamul kasameeyeen marka 18 gobol ee Somalia ahayd puntland waxay noqotay 5gobol dowlad goboleedyada waxa samaysteen maamul u gaara oo dowlada fadaraalka u diwaan gashaneen laakiin sida rasmiga oo ciidamda loo aas aasay 5taa gobol ayay ka koobantahay puntland.

 

Xildhibaan hore cabdibare ayaa sidoo kale hadlay arimaha galkacyo

Galkacyo haday hada faraha kasii baxayso gobolo badan ayaa faraha ka baxay maamulka puntland hala waydiiyo sool iyo sanaag meeshay ku danbeeyen.

 

Waxa loosoo jeensaday in puntland la kala fur furo masuuliyadeedana dagaalkii hada ugu cuslaa oo dib kazoo cusboonaaday horay uma jirin xiliyadii madaxwayne xasan sheikh ka horaysay wax dhibaata oo goboladaas ka jiray  majirin dhibkaan wayna waxa la abaabulay markii xasan sheikh wadanka madaxwayne ka noqday oo hadana uu keensaday cumar c/rashiid markaas ayaa dhibka ugu wayn yimid oo lasameeyay gobol iyo bar oo aan sharciga iyo tasruurka midka wafacsanayn oo aad moodid in tastuurkii lagu heshiiyay  iyo hanankii dowladnimo in lagu ciyaarayo oo lagu badalay dano gaara oo laga leeyahay marka dhibaataa hada gobolka mudug ka taagan iyo isku dirka iyo qalalaasaha waa wax ay iska kaashadeen c/wali gaas xasan sheikh iyo cumar c/rashiid.

 

Puntland waxaa la arkay in ay tahay hoooyadii Somalia hooyadii fadaraalka Somalia midnimo udoodisteedii waxaa mudo laga shaqaynyay sidii puntland waxyaabaha ay ku dhagantahay  loo kala fur furi lahaa waxaa la helay dad ku abtirsanaya deeganada puntland oo howsha loo adeegsaday c/wali kama hadli karo arinta gobolka mudug cagaha dhulka loogu dhufanaya cumar c/rashiid ayaa utaagan oo tanaasula oo saxiixa leh.

 

Puntland burburinteeda waxaa loo adeegsaday labada nin cumar iyo c/wali.

Somaliya waa loo tashtay waxaana la helay waxa loo yaqaan beesha calamka laakiin aan anigu aan u aqaan beesha lixaad  ee Soomaaliya katalisa dad danahooda fuliya  hadaan la helin dad ka dhiidhiya Somalia waa u dhamaatay.

Cabdibare oo si ada uga hadlay arimaha puntland ayaa shacabka puntland ugu baaqay in ay puntland badbaadiyaan hadad shaqsi rabtaana aad daba taagnaataaan  waxaad maqli doontaan waaba halkaan la oranjiray puntland  manta waxay puntland taagantahay tusbax inta go ay kala firday ayay qarka usaarantahay puntland hala badbaadiyo.

Shacabka reer puntland waxaan leeyahay puntland waxay ahayd hooyadii fadaraalka ilaalinti dastuurka Somalia maantana waxay noqotay meel aan lafirin oo cidba u hanqaltaagin.

 

Ugu danbayn cabdi bare ayaa umada somaliyeed u sheegay in maanta aan dagaal loo baahnayn kuwa leh galkacyo ayaan ciidan gaynaynaa melaha shababku iyo kuwo umada dhibaya joogaan haloo diro xaalad dadka deegaanka iyo odoyaasha ay xalinkaraan inta labuunbuuninayo waxaan u arkaa dhibaato kale iyo qaskale oo umada loo horseedayo oo aan larabin Somalia in ay degto dadka waxa ku fakarayana fikrad ayagu ay leeyihiin ma ahee waa fikrad ay ka danbeeyaan beesha lixaad ciidamada ladirayana haloo diro nimankaan shababkaa oo dalkii qaribay ee buuraha ku jira wadooyinka xiranaya qaraxyada dhigaya ayaga ciidan haloo diro.

HALKAN KADHAGAYSO WARAYSIGA OO U LAYEESHAY WARIYE SHARIIF 


Share "DHAGAYSO:WARAYSI +PUNTLAND BURBURINTEEDA WAXA LOO ADEEGSADAY C/WALI GAAS IYO CUMAR C/RASHIID." via

No comments yet.

Leave a reply

More in Warar
Apr 23, 4 hours ago

Miinada wadada dhinaceeda lagu aaso oo sagaal askari oo Puntland katirsan ku dishay gudaha buuraha Galgala

Miinada wadada dhinaceeda lagu aaso ayaa lala eegtay gaari ciidan oo ay saarnaayeen askar katirsan Puntland oo marayay gudaha tuulada Galgala ee gobolka Bari, waxaana ku dhintay sagaal askari,  sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah. Sarka…

Apr 23, 18 hours ago

DHAGAYSO+Ciidamada Dowlada oo toogtay askari dilay askari kale oo katirsan Ciidamada Jabuuti

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee Gobalka Hiraan ayaa waxa ay  dil Toogasho ku dileen  Askari katirsan Ciidmada Dwolada Soomaaliya oo dhawaan Degmada Bula burde ku dilay askari  Jabutiyaal ah . Dilka askarigaan ayaa waxa uu yimid kadib markii Ciidam…

Apr 23, 18 hours ago

DHAGAYSO+Afdalow oo ku faanay inuu is badal ku sameeyay Amniga Gaalkacyo

Taliyaha qeybta Gobalka Mudug Cismaan Xasan Cawke Afdalow oo la hadlay qaar ka Mid ah Warbaahinta ka howlgala Degaanadda Puntland ayaa si rasmi ah u sheegay in isbadal weyn lagu sameyay Amniga Magaalada Gaalkacyo. Taliyaha waxaa uu sheegay in xiligan…