Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Heshiiskii dhax maray Dowlada Imaaraatka iyo Somaliland

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka hadlay heshiiska dhax maray maamulka Somaliland iyo Dowlada Imaaraatka Carabta ee lagu wareejiyay Dekadda iyo garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera.

Hanti dhorka ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiiska Dowlada Imaaraatka kula wareegeyso dhul kuyaala Soomaaliya, waxa uuma tilmaamay in heshiiskan oo labo afle ah ay ka dambeeyeen masuuliyiimn katirsan dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

”Waa sharci daro heshiiskan oo dabada ku haya musuq maasuq, heshiiskan waxaa muuqata in uu yahay labo afle ay ku lug leeyihiin masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka iyo Maamulka Somaliland” Ayuu yiri Hanti dhorka Qaranka

Dr Nuur Faarax ayaa tilmaamay in uu horey u jiray heshiis maamulka Somaliland ula galeen Shirkad laga leeyahay Imaaraatka kuna wareejiyeen Dekadda Berbera sidoo kale qalad ka dhacay heshiiskaasi uu sababay heshiiskan kale ee saldhiga Milatariga lagu siiyay Imaaraatka Carabta.

Maamulka Somaliland ayaa Dowlada Imaaraatka kala saxiixatay Heshiis lagu siinayo Imaaraatka Saldhig Milatari ay ka sameesanaya garoonka diyaaradaha magaalada Berbera iyo sidoo kale Heshiis Dekada Berbera lagu siiyay shirkad laga leeyahay Imaaraatka Carabta.

Share "Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Heshiiskii dhax maray Dowlada Imaaraatka iyo Somaliland" via

No comments yet.

Leave a reply

More in Warar
Apr 23, 4 hours ago

Miinada wadada dhinaceeda lagu aaso oo sagaal askari oo Puntland katirsan ku dishay gudaha buuraha Galgala

Miinada wadada dhinaceeda lagu aaso ayaa lala eegtay gaari ciidan oo ay saarnaayeen askar katirsan Puntland oo marayay gudaha tuulada Galgala ee gobolka Bari, waxaana ku dhintay sagaal askari,  sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah. Sarka…

Apr 23, 18 hours ago

DHAGAYSO+Ciidamada Dowlada oo toogtay askari dilay askari kale oo katirsan Ciidamada Jabuuti

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee Gobalka Hiraan ayaa waxa ay  dil Toogasho ku dileen  Askari katirsan Ciidmada Dwolada Soomaaliya oo dhawaan Degmada Bula burde ku dilay askari  Jabutiyaal ah . Dilka askarigaan ayaa waxa uu yimid kadib markii Ciidam…

Apr 23, 18 hours ago

DHAGAYSO+Afdalow oo ku faanay inuu is badal ku sameeyay Amniga Gaalkacyo

Taliyaha qeybta Gobalka Mudug Cismaan Xasan Cawke Afdalow oo la hadlay qaar ka Mid ah Warbaahinta ka howlgala Degaanadda Puntland ayaa si rasmi ah u sheegay in isbadal weyn lagu sameyay Amniga Magaalada Gaalkacyo. Taliyaha waxaa uu sheegay in xiligan…