faah faahino ka soo baxaya Qaraxyo khasaare geystay ooka dhacay Muqdisho.

Qaraxyo xooggan ayaa goor dhow oo fiidnimadii ah waxay waxay ka dhaceen maqaayad shaaha laga cabo oo ku taalla isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Maqaayada ayaa waxaa la sheegay iney fariistaan askar ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya iyo dad shacab ah.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka ay qaraxyadan oo labo ahaa ay u dhaceen, qaarkood waxay sheegayaan in loo adeegsaday miinooyin lagu aasay afaafka hore ee Maqaayada, halka warar kalena ay sheegayaan iney ka dhasheen bambooyinka gacanta laga tuuro.

Goob joogayaal ayaa sheegaya iney arkeen qiyaastii toban ruux oo qaraxyadan dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaareen kuwaasoo isugu jiray askar iyo dad shacab ah.

Ciidamada amaanka dowlada ayaa daqiiqado ka dib goobtaas gaaray, iyagoo hakad geliyey socodka dadka iyo gaadiidka ee fagaaraha tarabuunka, waxaana la maqlayey rasaas ay hawada u ridayaan, gaadiidka ambalaaska ayaana halkaas ka daad gureynaya dadka waxyeeladu soo gaartay.

Masuuliyiinta maamulka degmada Hodan iyo saraakiisha amaanka ayaa sidoo kale halkaas gaaray, iyagoo qiimeynaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadan oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Share "faah faahino ka soo baxaya Qaraxyo khasaare geystay ooka dhacay Muqdisho." via

No comments yet.

Leave a reply

More in Warar
Feb 28, 10 hours ago

DHAGAYSO+Madaxweyne Gaas oo jawaab lama filaan ah siiyey Faroole.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa jawaab lama filaan ah siiyey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo siyaasiyiin kale oo dhaliilayey xukuumaddiisa. HALKAAN KADHAAGYSO CODKA GAAS…

Feb 27, 23 hours ago

FAALO+PUNTLAND OO HALIS UGU JIRTA AFGAMBI & FAROOLE OO LAF DHUUNGASHAY KU NOQDAY C/WALI GAAS.

Ciidaamo qabiil ayaa shalay Xanibaad ku soo rogay xarunta Barlamaanka Puntland ee Garoowe xili uu cidlo ahaa oo aysan ka socon wax kalfadhi ah, oo inta badan xildhibaanadu ay ka maqnaayeen marka laga reebo shaqaalihii baarlamaanka oo goor dambe laga …

Feb 27, 1 day ago

DHAGAYSO+Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo ka hadlay Amaanka Boosaaso kadib dhacdooyinkii amni xumo Oo soo wajahday.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) oo Maanta shir jaraa’id ku qabtey Magaalada Bosaaso ayaa ka hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaaladda Bosaaso ee Xarunta Gobalka Bari. Taliyaha Booliska Puntlan…