Faahfaahino ka soo baxaya khasaare dhimasho oo ka dhashay duqeyntii Villa Somalia.

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan tiro madaafiic ah oo maanta ku soo dhacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiicdan ay ahaayeen kuwa si xoogan looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan ayaa ku dhacday qeybo ka mid ah Degmada Wardhiigley gaar ahaan xaafado ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, lamana oga in madaafiicda qaarkood ay gudaha ugu dhaceen Madaxtooyada.

madaafiicda lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gaarayay illaa 4 madfac.
Mid ka mid ah madaafiicdan ayaa ku habasaday guri ay degan yihiin qoys danyar ah oo ku yaalla agagaarka iskuulka 15-ka May oo ku dhow Madaxtooyada.

Labo caruur ah oo qoyskaas ka tirsanaa ayaa ku geeriyootay madfacaas halka labadii waalid ee caruurtaas dhalay ay ku dhaawacmeen kuwaasoo la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo booqday gurigaas ayaa ku eedeeyey Al-shabaab iney soo tuureen madaafiicdan, ayna laayeen shacab aan waxba galabsan.

 

Share "Faahfaahino ka soo baxaya khasaare dhimasho oo ka dhashay duqeyntii Villa Somalia." via

No comments yet.

Leave a reply

More in Warar
May 24, 3 hours ago

Puntland oo wax laga siiyey degmooyinka Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay  fiidkii shaaciyay magacyada Guddoomiyeyaasha cusub ee loo magacaabay degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo markii u horeysay ay ka soo muuqdeen 5 haween oo loo dhiibay degmooyinka iyo maamul goboleedyada oo ka dh…

May 24, 3 hours ago

Daacish oo sheegatay masuuliyada weerarkii Ismiidaaminta ah ee Bosaso ka dhacay

Ururka la magac baxay khilaafada Islaamka ee Daacish(ISIS) ayaa sheegatay weerar Ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Weerarkan Ismiidaaminta ah oo uu fuliyey qof naftiisa haligay ayaa la beegsaday ciidamo fad…

May 23, 1 day ago

DHAGAYSO+Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlay Safarkiisii magaalada Hargeysa

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey socdaal ku joogay magaalada Hargeysa Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galeyr. Hoggaamiye Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo mas’uuliyiin kale oo …