Faarax C/Qaadir” Waxaan ku dhashay 7-bilood , Dadku waxa ay dhaheen masii noolaanayo.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/Qaadir oo u sharaxan Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta Khudbad ka jeediyay Xarunta golaha Shacabka ayaa ka hadlay waxa uu qabanayo hadii loo doorto xilka uu u sharaxan yahay.

Faarax oo ka muuqatay kalsooni ku aadan in uu heesto taageerada inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in uu wax badan oo muuqda ka qaban doona Baarlamaanka Soomaaliya hadii la doorto.

Waxa uu sheegay in uu ku dhashay 7-bilood kaliya uuna ku dhashay Baadiye kuyaala magaalada Baladweyne, waxa uuna tilmaamay in aan xiligaas loo maleeneyn in uu noolaan doono maadama uu ku dhashay 7-bilood Isbitaalkan uusan ku dhalan.

”Waxaa ku dhashay 7-bilood , waxaaa ku dhashay Baadiye aan laheyn Isbitaal , dadku waxa ay yiraahdeen ma noolaanayo 7-maalmood ka badan, Hooyadeey allaha u naxariistee ayaa tiri waxaan rajeenayaa in dalka iyo dadka Hogaamiyo, waxa kale Hooyadey igula dar darantay in aan dadka ixtiraamo oon istaag ku wareeysan anigoo fadhiyo ”Ayuu yiri Xildhibaan Faarax C/Qaadir.

Faarax C/Qaadir oo ah Xildhibaan saameyn badan leh aadna ugu dhaw Madxaweynaha Soomaaliya ayaa muujinayay in uu qabo kalsooni badan ku aadan in Baarlamaanka Soomaaliya u dooran doonaan Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

Share "Faarax C/Qaadir” Waxaan ku dhashay 7-bilood , Dadku waxa ay dhaheen masii noolaanayo." via

No comments yet.

Leave a reply

More in Warar
May 24, 3 hours ago

Puntland oo wax laga siiyey degmooyinka Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay  fiidkii shaaciyay magacyada Guddoomiyeyaasha cusub ee loo magacaabay degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo markii u horeysay ay ka soo muuqdeen 5 haween oo loo dhiibay degmooyinka iyo maamul goboleedyada oo ka dh…

May 24, 3 hours ago

Daacish oo sheegatay masuuliyada weerarkii Ismiidaaminta ah ee Bosaso ka dhacay

Ururka la magac baxay khilaafada Islaamka ee Daacish(ISIS) ayaa sheegatay weerar Ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Weerarkan Ismiidaaminta ah oo uu fuliyey qof naftiisa haligay ayaa la beegsaday ciidamo fad…

May 23, 1 day ago

DHAGAYSO+Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlay Safarkiisii magaalada Hargeysa

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey socdaal ku joogay magaalada Hargeysa Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galeyr. Hoggaamiye Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo mas’uuliyiin kale oo …