Madaxweynihii Hore ee Dawladda Puntland General Cade Muuse oo Aas Qaran Loogu Sameeyey Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland kaga qayb galay aas qaran oo loo sameeyey madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor.

Ka qayb galka aaska qaran ee loo sameeyey Madaxweynihii hore ee Puntland marxuum
Gen. Cade Muuse Xirsi Boqor ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey Ra’iisul wasaaraha DFS Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi, Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan DFS, Issimada iyo waxgaradka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo saraakiisha ciidamadda Dawladda Puntland.

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamada PSF, PMPF iyo ciidamada Baan-boyda ee Dawladda Puntland.

Sidoo kale ciidamada ayaa salaan sharaf iyo muusiga baroordiiqda ku sagootiyey maydka marxuum Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi oo aas qaran loogu sameeyey magaalada Boosaaso.

Salaadda jinaasada ka dib Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya magaca goloyaasha Dawladda Puntland iyo kan shacabka Puntland waxa uu uga tacsiyeeyey shacabka Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ka baxay Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen Cade Muuse Xirsi Boqor.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Cade Muuse uu ahaa shakhsi wanaaga iyo wadaniyadu had iyo jeer ku weyn tahay isla markaana ummadda Soomaaliyeed ay jecelaayeen.

‘’Inna lilaahi wa Innaa ilayhi raajicuun, waxaan anigoo ku hadlaya magaca Dawladda Puntland iyo shacabkeeda uga tacsiyeeynayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland meelkasta oo ay joogaan geerida Madaxweyne Cade Muuse, Madaxweyne Cade Muuse waxa uu ahaa qof wanaagsan, qof ummadda Soomaaliyeed dhammaantood ay jecel yihiin, nin denbi yar sidaan qirnay dhammaanteen, weliba waxa uu ahaa nin geesi ah, xabiib ah, Soomaali ah, illahay ha u naxaarinsto denbigiisana ha dhaafo qabrigana alle ha u waasiciyo’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Ra’iisulwasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa isna dhankiisa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Puntland, eheladii,asxaabtii iyo qaraabadii uu ka baxay Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen Cade Muuse Xirsi Boqor uga tacsiyeeyey geerida ku timi marxuumka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in marxuumku uu ahaa shakhsi ay ku beeran tahay wadaniyadu, isla markaana markasta uu ka qaadan jirey talo iyo tusaale wanaagsan mudooyinkii kala duwanaa ee uu Ra’iisal wasaaraha ahaa.

Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa hadalo kooban oo tacsiya ka jeediyey salaadii Jinaasada ee marxuumka, sidoo kalena isimada iyo wax garadka Puntland ayaa dhankooda tiraanyada la wadaagey Shacabka Puntland iyo ummadda Soomaaliyeed geerida Ku timid Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland, waxaana ay dhamaantood isla qireen in Gen. Cade muuse uu ahaa shakhsi had iyo jeer ka shaqeeya nabada, jecelna horumarka iyo dib u hoshiisiinta Shacabka Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—

Share "Madaxweynihii Hore ee Dawladda Puntland General Cade Muuse oo Aas Qaran Loogu Sameeyey Magaalada Boosaaso." via

No comments yet.

Leave a reply

More in Warar
Feb 28, 10 hours ago

DHAGAYSO+Madaxweyne Gaas oo jawaab lama filaan ah siiyey Faroole.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa jawaab lama filaan ah siiyey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo siyaasiyiin kale oo dhaliilayey xukuumaddiisa. HALKAAN KADHAAGYSO CODKA GAAS…

Feb 27, 23 hours ago

FAALO+PUNTLAND OO HALIS UGU JIRTA AFGAMBI & FAROOLE OO LAF DHUUNGASHAY KU NOQDAY C/WALI GAAS.

Ciidaamo qabiil ayaa shalay Xanibaad ku soo rogay xarunta Barlamaanka Puntland ee Garoowe xili uu cidlo ahaa oo aysan ka socon wax kalfadhi ah, oo inta badan xildhibaanadu ay ka maqnaayeen marka laga reebo shaqaalihii baarlamaanka oo goor dambe laga …

Feb 27, 1 day ago

DHAGAYSO+Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo ka hadlay Amaanka Boosaaso kadib dhacdooyinkii amni xumo Oo soo wajahday.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) oo Maanta shir jaraa’id ku qabtey Magaalada Bosaaso ayaa ka hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaaladda Bosaaso ee Xarunta Gobalka Bari. Taliyaha Booliska Puntlan…