Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland oo dil ku xukuntay todoba nin.

4-5

Maxkamada Ciidamada Qalabka sidaha iyo Danbiyada Culus ee dowladda Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday7 dhalin yaro ah kuwaas oo lagu soo eedeyay inay yihiin Al shabab Boossaasona ay ka fuliyeen Dilal loo gaystay Madax ka tirsan Puntland.

Maxkamadu waxay si gaar ah raggaan ugu eedeysay inay ka dambeeyeen dilalkii loo geystay , agaasimihii madaxtooyada Bosaso, taliye ku xigeenkii labaad ee ciidanka booliska iyo xeer ilaaliyiihii maxkamada ciidamada. Waxaa kaloo dadka la xukumay ku jira kuwa lagu eedeeyay inay abaabulka dambiyadaan ku lug lahaayeen.

Qareenada udoodaya raggaan ayaa kasoo horjeestay go’aanka maxkamadu riday.

Guddoomiyaha maxkamada Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa sheegay inuu xukunkaan ka furan yahay racfaan bil ah,

Magacyada todobada nin ee ay maxkamadu dilka toogashada ah ku xukuntay waxaa kala yihiin:

Nuuradiin Axmed Samatar Deerow, 20-sanno jir.

Ayuub Yaasiin Cabdi, 32-sanno jir.

Cali Ismaaciil Cali sidoo kale loo yaqaan “Cali Gaab” 20- sanno jir.

Xasan Aadan Xasan, 22- sanno jir.

Cabdixakiim Maxamed Aweys, 24- sanno jir.

Maxamed Yaasiin cabdi, 17- sanno jir.

Daauud Siciid Sahal, 18- sanno jir.

Waxaa nimankaas gudaha magaalada Boosaaso kasoo qabtay ciidamada ammaanka Puntland intii lagu guda jiray bilihii u dambeeyay,.

 

Share "Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland oo dil ku xukuntay todoba nin." via

No comments yet.

Leave a reply

More in Warar
May 24, 3 hours ago

Puntland oo wax laga siiyey degmooyinka Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay  fiidkii shaaciyay magacyada Guddoomiyeyaasha cusub ee loo magacaabay degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo markii u horeysay ay ka soo muuqdeen 5 haween oo loo dhiibay degmooyinka iyo maamul goboleedyada oo ka dh…

May 24, 3 hours ago

Daacish oo sheegatay masuuliyada weerarkii Ismiidaaminta ah ee Bosaso ka dhacay

Ururka la magac baxay khilaafada Islaamka ee Daacish(ISIS) ayaa sheegatay weerar Ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Weerarkan Ismiidaaminta ah oo uu fuliyey qof naftiisa haligay ayaa la beegsaday ciidamo fad…

May 23, 1 day ago

DHAGAYSO+Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlay Safarkiisii magaalada Hargeysa

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey socdaal ku joogay magaalada Hargeysa Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galeyr. Hoggaamiye Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo mas’uuliyiin kale oo …