Puntland oo markii labaad Gacanta ku dhigtay Gaari Walxaha Qarxa u siday gobolka Bari.

Deegaanka ka tirsan Degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa ciidamada amaanka gobolka Mudug waxay gacan ku dhigeen gaari siday waxlaha qaraxa kuwaas oo ka Hooseeyey Xoolo uu waday gadiidkaasi.

Gaarigan oo noocusuu ahaa Waaraad ayaa mulkiilaha iska leh wuxuu kasoo jeedaa gobolka Bari waxaana uu siday Qaraxyo Bam oo Cadadkoodu uu gaarayo in kabadan 36 walxaha Qarxaha ah.

Ciidamada la dagaalanka Argagaxisada Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaarigan shalay waxaana ay ku qabtay Deegaanka Faraxan oo dhawaan ay kusoo xaroodeen qaar kamid ah dadkii xooluhu ay dhafeen.

Wadihii Gadiidkan la qabtay oo kaligiis saarnaa markii la qabanayey Gaarigaasi ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin cid kale oo la socotay Balse uu Qaraxyadan u waday Magaalada Boosaaso iyagoo ugu jiray Shirka hore ee Gaariga.

Gaarigan lagu qabtay Degmada Xarfo ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan sidan oo kale degmada Gaalkacyo ee isla gobolka Mudug lagu qabtay Gaari Xamuul ah oo Walxaha Qarxa iyo Xoolo isku siday kaas oo 6 Qof saarnana gacanta lagu dhigay.

Share "Puntland oo markii labaad Gacanta ku dhigtay Gaari Walxaha Qarxa u siday gobolka Bari." via

No comments yet.

Leave a reply

More in Warar
Feb 28, 10 hours ago

DHAGAYSO+Madaxweyne Gaas oo jawaab lama filaan ah siiyey Faroole.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa jawaab lama filaan ah siiyey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo siyaasiyiin kale oo dhaliilayey xukuumaddiisa. HALKAAN KADHAAGYSO CODKA GAAS…

Feb 27, 23 hours ago

FAALO+PUNTLAND OO HALIS UGU JIRTA AFGAMBI & FAROOLE OO LAF DHUUNGASHAY KU NOQDAY C/WALI GAAS.

Ciidaamo qabiil ayaa shalay Xanibaad ku soo rogay xarunta Barlamaanka Puntland ee Garoowe xili uu cidlo ahaa oo aysan ka socon wax kalfadhi ah, oo inta badan xildhibaanadu ay ka maqnaayeen marka laga reebo shaqaalihii baarlamaanka oo goor dambe laga …

Feb 27, 1 day ago

DHAGAYSO+Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo ka hadlay Amaanka Boosaaso kadib dhacdooyinkii amni xumo Oo soo wajahday.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) oo Maanta shir jaraa’id ku qabtey Magaalada Bosaaso ayaa ka hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaaladda Bosaaso ee Xarunta Gobalka Bari. Taliyaha Booliska Puntlan…