War Deg Deg Ah:C/Kariin Guuleed oo la gudbiyay Mooshin Xilka looga qaadayo.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa gudbiyay Mooshin kalsoonida lagala noqonayo Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada ayaa maanta kulan ku yeeshay Hool kuyaala magaalada Cadaado , waxaana shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, waxaana kulankan uu ahaa mid xasaasi ah oo ka duwanaa kulamdii hore.

Intii uu kulanka socday ayaa in ka badan 50-Xildhibaan waxa ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ay ku eedeeyeen in uu gudan waayay waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Galmudug in uu ku fashilmay hogaaminta maamulka, waxa ayna sheegeen in waajibaadka maamulka uu kaga mashquulay arimo kale aan dan ugu jirin dadka iyo deegaanada uu matalo.

Baarlamaanka Glamudug ayaa horey waxaa u horyaalay Mooshin kale oo laga gudbiyay Gudoomiyaha Baralamanaka Galmudug Cali Gacal Casir, walina lama oga xiliga ay Baarlamaanka ka doodayaan kalsooni kala noqoshada Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Warqad shalay kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa ku amray in la joojiyo kulamada Baarlamaanka iyo shaqooyinka kale ee maamulka , waxa uuna taageeray fasaxa dheerada ah uu Gudoomiyaha Baarlamaanka galiyay Xildhibaanada Galmudug.

Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa u muuqda kuwa aad uga soo horjeeda Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxa ayna inta badan Xildhibaanada doonayaan in xubnahaasi kalsoonida kala noqdaan maadaama ay fashilmeen.

Share "War Deg Deg Ah:C/Kariin Guuleed oo la gudbiyay Mooshin Xilka looga qaadayo." via

No comments yet.

Leave a reply

More in Warar
May 24, 3 hours ago

Puntland oo wax laga siiyey degmooyinka Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay  fiidkii shaaciyay magacyada Guddoomiyeyaasha cusub ee loo magacaabay degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo markii u horeysay ay ka soo muuqdeen 5 haween oo loo dhiibay degmooyinka iyo maamul goboleedyada oo ka dh…

May 24, 3 hours ago

Daacish oo sheegatay masuuliyada weerarkii Ismiidaaminta ah ee Bosaso ka dhacay

Ururka la magac baxay khilaafada Islaamka ee Daacish(ISIS) ayaa sheegatay weerar Ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Weerarkan Ismiidaaminta ah oo uu fuliyey qof naftiisa haligay ayaa la beegsaday ciidamo fad…

May 23, 1 day ago

DHAGAYSO+Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlay Safarkiisii magaalada Hargeysa

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey socdaal ku joogay magaalada Hargeysa Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galeyr. Hoggaamiye Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo mas’uuliyiin kale oo …