WARAYSI XIISO LEH:c/qaadir jengali ”c/wali gaas puntland wuxuu kusoo galay asagoo cayaya madaxdii ka horaysay.

92 unnamed

Radio rajodoon oo aaad uga barateen waraysiyo xiiso leh ayaa maanta idin soo gudbinaya waraysi uulayeeshay aqoonyahan somaliyeey c/qaadir aadan jengali
Jengali ayaa ka hadlay arimo badan oo Somalia iyo puntland

 

Ugu horayna wuxuu ka hadlay doorashooyinka xildhibaanada aqalka sare iyo aqalka hoose .
Iyo sidookale hadal uu madaxwaynaha Somalia ka dhigtay hadal hays oo ah qabyo ninkeeda dhagaystira.
Waa hadal wanagsan qofku marku lilaahi yahay oo daacad yahay umaba baahna in uu dadka ka codsado qabyo ninkeeda dhamaystira Waxay ahayd in dadku kuyiraahdaan warnoo dhamays tir wixii naga qabyaa xasan waxba ma bilaabine muxu dhamays tiraa.

 
Cumar c/rashiid wuxuu ka midyahay dadka aan macnaha wayn lahayn oo madaxwaynaha u tartamaya horayna ugu jiray xayndaabka madaxnimada Somalia cumar labo jer ayuu ra’’iisalwaare dalka ka noqday wax uu soo kordhiyay oo aan doqonimo iyo arimaha bada oo u gatay oo dhibadan u Keenay dadka somaliyeed marka maba jiro wax uu kusoo kordhinayo.

 
Nimankaan kale ee faarax c/qaadir iyo xidig waa labo nin oo dadka somaliyeed u yaqaanan xabashi oo xabashi u shaqeeya hadii barlamaankii somaliyeed manta aysan dooraan farax c/qaadir iyo xidig midna waa mahad ilaahay oran mahayo jawaari oo la doortay malahi waa nin fiican oo wanaagsan oo tastuur waxka yaqaana oo hogaaminyaqaana ayaa la doortay oranmahayo laakiin markii xidig iyo jawaari la isku fiiriyo jawaari ayaa la qaata.

 
Jengali wuxuu sidoo kale ka hadlay dowlada goboleedyada dalka ka jira oo aad moodo in ay wax aan dantooda ku jirin ku mashquuleen.

 
Jubaland dhulkeeda mahaysato galmudug mahaysato dhulkeedii meeshii laga sugayay in uu is badalwayn ka dhaco waxay ahayd puntland 19sano maraysa oo ilaa afar madaxwayne isku badashay oo la oranjiray xildhibanada dadka soo doorandoona madaxwaynha dadka soo doorandoona madaxwaynayaashii dambe oodhan waxay ku galayeen cempian     puntland waxaan gaarsiinaynaa in ay ayagu doortaan hogaankooda.

 
c/wali gaas oo kusoo galay asagoo cayaya madaxdii ka horaysay oo yiri puntland waa gabar qurux badan oo marba guursado nin alkalooste ah maamul xumo wuu ku caayi karay laakin ma ahayn in uu dhaqan xumo kucaayo waxaase hada muuqata dhaqan xumadii uu raga kucaayay in uu asagu ku dhaqmayo oo meesha puntland laga xukumo ay tahay itoobia.

 
Ugu danbayntii wuxuu ka hadlay kulan ay wada qaateen murashaxiin u tartamaya madaxnimada Somalia
Murashaxiiintaas waxaan isleeyahay xasan waa dhamaan madaxwayne xasan kama aha wadanka faarax c/qaadir ayaa wadanka madax ka ah inkastoo uu magaca xasan wato marka wixii xasan lagula heshiiyo farax ayaa badalaya marka kuwaan waxa laga yaaba mid amarka siinaya in uusan nooga soobixin oo sida farax ookale ah.

HALKAANKA DHAGAYSO CODKA JENGALI



DHAMAAD WARIYE SHARIIF

 

Share "WARAYSI XIISO LEH:c/qaadir jengali ”c/wali gaas puntland wuxuu kusoo galay asagoo cayaya madaxdii ka horaysay." via

No comments yet.

Leave a reply

More in Warar
Feb 28, 10 hours ago

DHAGAYSO+Madaxweyne Gaas oo jawaab lama filaan ah siiyey Faroole.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa jawaab lama filaan ah siiyey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo siyaasiyiin kale oo dhaliilayey xukuumaddiisa. HALKAAN KADHAAGYSO CODKA GAAS…

Feb 27, 23 hours ago

FAALO+PUNTLAND OO HALIS UGU JIRTA AFGAMBI & FAROOLE OO LAF DHUUNGASHAY KU NOQDAY C/WALI GAAS.

Ciidaamo qabiil ayaa shalay Xanibaad ku soo rogay xarunta Barlamaanka Puntland ee Garoowe xili uu cidlo ahaa oo aysan ka socon wax kalfadhi ah, oo inta badan xildhibaanadu ay ka maqnaayeen marka laga reebo shaqaalihii baarlamaanka oo goor dambe laga …

Feb 27, 1 day ago

DHAGAYSO+Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo ka hadlay Amaanka Boosaaso kadib dhacdooyinkii amni xumo Oo soo wajahday.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) oo Maanta shir jaraa’id ku qabtey Magaalada Bosaaso ayaa ka hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaaladda Bosaaso ee Xarunta Gobalka Bari. Taliyaha Booliska Puntlan…