Xog Culus:Hub, Gaadiid iyo Hanti badan oo laga qaatay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Warar soo baxaya ay baahiyeen qaar kamid ah Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ay ka socotay boob loo geesanayo qaar kamid ah hantida qaranka ee halkaasi taala.

Gawaari cusub oo nuuca aan xabaduhu karin, hub kala duwan iyo Hanti kale ayaa la sheegay in lagala baxay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo la filayo in dhawaan uu si rasmi ah ula wareego uuna deegaansado Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Boobka ayaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen xubno aad ugu dhawaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana xubnaha arintan ku lugta leh ku jira Wasiiro iyo Xildhibaano aad ugu dhawaa Xasan Sheekh una ololeenayay in mar kale Madaxweyne noqdo.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in boob uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxa ayna sheegeen Xildhibaanada in ay yaraan doonto hantida uu Villa Soomaaliya ugu tagi doono Madaxweyne Farmaajo.

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ku yaalay keyd hub ay yaaleen gaadiid dagaal iyo hub kala duwan , waxaa sidoo kale xarunta yaalay gaadiid nuuca aan xabaduhu karin iyo hanti kale uu qaranku leeyahay kuwaa oo qaarkood hada gacan dad gaar ah galay lagana qaatay Villa Soomaaliya.

Hanti Dhowrka guud ee Qaranka oo xafiis ku dhax leh xarunta Villa Soomaaliya ayaan wali ka hadlin boobkan la sheegay in uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, lamana oga si uu arintan uga fal celin doono Madaxweyne Farmaajo marka uu xilka si rasmi ah ula wareego.

Xiliyada kala guurka uu ka jiro dalka Soomaaliya ayaa waxaa caado noqotay in uu dhaco boobka hantida qaranka , arimaha hada taagan ayaana ahaa kuwa horey usoo dhacay markii xilalka ku kala wareegayeen Madaxdii hore qaarkood.

Share "Xog Culus:Hub, Gaadiid iyo Hanti badan oo laga qaatay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya." via

No comments yet.

Leave a reply

More in Warar
Apr 23, 4 hours ago

Miinada wadada dhinaceeda lagu aaso oo sagaal askari oo Puntland katirsan ku dishay gudaha buuraha Galgala

Miinada wadada dhinaceeda lagu aaso ayaa lala eegtay gaari ciidan oo ay saarnaayeen askar katirsan Puntland oo marayay gudaha tuulada Galgala ee gobolka Bari, waxaana ku dhintay sagaal askari,  sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah. Sarka…

Apr 23, 18 hours ago

DHAGAYSO+Ciidamada Dowlada oo toogtay askari dilay askari kale oo katirsan Ciidamada Jabuuti

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee Gobalka Hiraan ayaa waxa ay  dil Toogasho ku dileen  Askari katirsan Ciidmada Dwolada Soomaaliya oo dhawaan Degmada Bula burde ku dilay askari  Jabutiyaal ah . Dilka askarigaan ayaa waxa uu yimid kadib markii Ciidam…

Apr 23, 18 hours ago

DHAGAYSO+Afdalow oo ku faanay inuu is badal ku sameeyay Amniga Gaalkacyo

Taliyaha qeybta Gobalka Mudug Cismaan Xasan Cawke Afdalow oo la hadlay qaar ka Mid ah Warbaahinta ka howlgala Degaanadda Puntland ayaa si rasmi ah u sheegay in isbadal weyn lagu sameyay Amniga Magaalada Gaalkacyo. Taliyaha waxaa uu sheegay in xiligan…