XOG:Itoobiya oo soomaaliya soo gelisay hubkii ugu badnaa.

Dowladda Itoobiya ayaa diyaarado hub sida waxay ka dejisay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada, Hoose, waxaana arrintaasi ay keentay hadal hayn aad u badan.

warar kala duwan ayaa kasoo baxaya  hubkaasi, halka loo wado iyo ulajeedka gaarka ah ee laga leeyhaya.

Xogta aynu helnay waxay sheegeysaa in hubkan uu qeyb ka ahaa balanqaad ay sanadkii hore dowladda Itoobiya u fulisay Jubbaland kaasi oo ku aadan in lagala qeybqaato xoreynta deegaannada Jubbaland.

Itoobiya ayaa dooneysa iney Jubbaand ka caawiso dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana bisha soo socota ee Marcsh iyo dabayqaada bishan bilaaban doona howlgallada lagu baacsanayo Al-shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa marar badan waxa uu sheegay iney diyaariyeen ciidankii weerarka ku qaadi lahaa deegaannada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin Jubbaland.

Share "XOG:Itoobiya oo soomaaliya soo gelisay hubkii ugu badnaa." via

No comments yet.

Leave a reply

More in Warar
May 24, 3 hours ago

Puntland oo wax laga siiyey degmooyinka Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay  fiidkii shaaciyay magacyada Guddoomiyeyaasha cusub ee loo magacaabay degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo markii u horeysay ay ka soo muuqdeen 5 haween oo loo dhiibay degmooyinka iyo maamul goboleedyada oo ka dh…

May 24, 3 hours ago

Daacish oo sheegatay masuuliyada weerarkii Ismiidaaminta ah ee Bosaso ka dhacay

Ururka la magac baxay khilaafada Islaamka ee Daacish(ISIS) ayaa sheegatay weerar Ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Weerarkan Ismiidaaminta ah oo uu fuliyey qof naftiisa haligay ayaa la beegsaday ciidamo fad…

May 23, 1 day ago

DHAGAYSO+Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlay Safarkiisii magaalada Hargeysa

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey socdaal ku joogay magaalada Hargeysa Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galeyr. Hoggaamiye Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo mas’uuliyiin kale oo …